War-Murtiyeed laga soo saaray Shirkii madaxa DG ee Dhuusamareeb.

Waxaa Xalay Warx-saxaafadeed laga soo saaray Shirkii Wada-tashiga ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya labadii maalmood ee la soo dhaafay ugu socday Magaaladda Dhusamareeb ee Caasimada Dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren iyo Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Maxamed Islaan ayaa war-murtiyeed ka soo saaray shirkii uga socday Magaaladda Dhuusamareeb.
War-murtiyeedka oo kooban 5 qodob ayaa loogu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul waasaaraha Soomaaliya in ay ku biiraan shirka Dhuusamareeb.

Halkaan ka aqri 5 qodob ee ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb.
1. In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha
2. In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.
3. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.
4. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.
5. Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Halkaan ka aqri war-murtiyeedka oo dhamaystiran.Image may contain: textImage may contain: text