Waa Maxay Sababta Aan U Diidanahay Doorasho Dad’ban?

Doorasho dad’ban waa mushkiladda hor taagan Qaranimadda iyo nabadda dalka Soomaaliya, dhibka ay u keentay dalka Soomaaliya waxaa ka mid ah:

1- Golaha baarlamaanka dalkeena oo ah saldhiga dowladnimo waxay doorashadda dad’ban ka dhigtay inay xildhibaanada noqdaan kuwa ku shaqeeysta xilka oo aysan u shaqayn dalka iyo degaankooda.

2- Doorasho dad’ban waxay dalka ka dhigtay mid hogaankiisa ay lacag ku gataan Arab reer Khaliij ah.

3- Doorashadda dad’ban waxay hor istaagtay dadkii wanaagsanaa ee dalkooda dhisi lahaa inay qayb ka noqdaan badbaadinta Soomaaliya.

4- Doorasho dad’ban waxay shacabka u diiday xaqooda dastuuriga ah inay wax doortaan ama la doorto sida ku cad dastuurka dalkooda.

5- Doorasho dad’ban waxay dalka u soo saartay xildhibaano hadana Wasiir noqda oo aqoon iyo waayo aragtinimo dowladeed midna lahayn tasoo dalkii curyaamisay.

6- Doorasho dad’ban waxay siisay fursad ugaas iyo sultaan dhaqan inay ku milmaan nidaamkii dowladeed oo ay wali laaluush iyo qaraabo ku soo xulaan xildhibaano Qaran, kuwii wanaagsana loo diido inay dalkooda u shaqeeyaan.

7- Doorasho dad’ban waxay dalka ka dhigtay mid laba beelood kaliya ay hogaanka dalka qabtaan inta kalena laga dhigo (Second class citizen)

8- Doorasho dad’ban waxay keentay inuu dalka yeesho 7 Madaxwayne.

9-Doorasho dadban waxay keentay aqal Sare oo dad’ban, waxay kaloo keeni kartaa Maxkamad dastuuri oo da’ban oo laaluush ku dhisan.

Hadaba, Doorasho furan qof iyo cod waxay fursad u tahay dhalinyaradda, haweenka, dadka la HEEB SOOCO iyo aqoonyahanadda inay qayb ka noqdaan maslaxadda guud ee dalkooda oo hada loo diidan yahay.

Aniga Waxaan taageerayaa qolo kastaa ha noqdaan Soomaali ama beesha Caalamka oo rabo in awooda dalka Soomaaliya dib loogu soo celiyo in shacabka ay u soo doortaan hogaankooda tasoo meesha ka Saari karta Ugaas, Sultaan iyo Siyaasi inuu masiirka dalka kaligood ku koobnaado, yaa kaligood dalkaan siiyay?

Waxaan aaminsanahay inay dhici karto doorasho qof iyo cod ama mid u dhaw, markaan darsay Afghanistan iyo Iraq waxaa ii soo baxay inuu dalka Soomaaliya u baahan yahay isbadal. Waxaan walaalaha Soomaaliyeed ka codsanayaa inay yeeshaan geesinimo ay ku dalbadaan inuu dalkooda gaaro doorasho qof iyo cod si dalka looga badbaadiyo damiirlawaha ku shaqeeysta xilka Qaran.

Midka doonaayo doorasho dad’ban waa mid aan ku kalsooneeyn aqoontiisa, sumcadiisa iyo shacabkiisa, kasoo doonaayo musuq iyo inay dantiisa gaarka ah u xayirnaato Qaranimadda dalka Soomaaliya.

Doorasho dad’ban waxay dalka ku horseedaaa musuq, sida kaliya ee baarlamaanka lagu nadiifin karo waa doorasho furan.

Wa bilaahi towfiiq.

Sheiknor A. Qassim