SHIRWEYNAHA BEESHA MUDDULLOOD MA LOO DHANYAHAY MISE WAA MARIN HABAAW CUSUB??!!.

Dabcan in Beel weynta muddullood la shiryo ma aha wax fudud, marka loo fiiriyo qira weynaanteeda iyo Qiimaynta ay Soomaali ku dhax leedahay.
Waxaa maalma badan lagu jiray diyaar garoow, Dibadda iyo gudaha ah, guux badan ayaa jiray, oo ah maroodi haddii uu foosho toloow muxuu dhali doonaa!!!.
Guddiyo ayaa la qaybsaday, ergo 800 ooqof ka kooban ayaa la wadaagay, guddi farsammo ayaa la bixiyay, khubaro iyo aqoonyahanno qoraallada soo diyaariya ayaa lagu heshiiyay ilaa xadna howsha socota waa loo riyaaqay. Hal mar ayaa wax is bedeleen.
kooxda anigu aan u aqaan jilayaasha ayaa xagooda fara gelinu ka timid , in ay tahay mid loo soo dirsaday iyo in kale allaahu waclam, lkn sida ay hadda wax u wadaan umma muuqato mid saxan, Aqoonyahanadii badankood waa ka in sixaabeen shirka oo dhan kadib markii soo jeedintoodii si cad loo hareer maray, waxaa lagu tuntay guddi 24 ka koobnaa oo beeluhu metelaadooda ka dhex fiirinayeen!!!!.
Sheekadu waxay u egtahay (METELAAD RAADIS METELAADDA BEELAHA DIIDAN, IYO IN MAROODIGU BAKEYLA DHALO)!!!!!.shirbkaan ayaan ku qatimayaa(Ilaahoow na badabaadiyoo …nabixi baadilaa batee)!!!!!
AL-MISKIIN MUCJIS M CUMAR.