RW Kheyre iyo Madaxweyne Deni oo gudiyo min 9- xubnood ah u kala magacaabay aaska Marxuum Xasan Abshir.

Ra’iisal wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo uu mudooyinkaan dambe ku xanuunsanaa sida eheladiisa ay u sheegeen Warbaahinta.

Dhamashadiisa ka dib waxaa ka tacsiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed qoorkood.

Balse arinta layaabka le ah ayaa ah in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliiya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Puntland ay kala magacaabaan labo guddi oo ka shaqaynaya in Ra’iisul wasaarihii hore loo sameeyo aas qaran.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay guddiga diyaarinta aaska qaran ee marxuum Xasan abshir faarax Ra’isulwasaarihii hore ee dalka waxaana guddigu uu ka kooban yahay oo gudoomiye u yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

1- Mahdi Maxamed Guuleed Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS       :Guddoomiye.
2- Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibaddaa                    :Xubin.
3. Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta              : Xubin
4. Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Gudaha                  :Xubin
5. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada                                 :Xubin
6. Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada                    : Xubin
7. Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka                          :Xubin.
8. Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka    :Xubin.
9. Maxamuud Xayir Ibraahim  Wasiiru dawlaha Maaliyadda         : Xubin

Saacado kadib magacaabista guddigaan ayaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, uu magacaabay guddi aas qaran Garowe ugu sameynaya Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Guddiga uu Madaxweynuhu magacaabay oo iyaguna ka kooban 9 ayaa kala ah:-

  1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye)
  2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye Ku-xigeen)
  3. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Osmaan Lugatoor (Xubin)
  4. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan (xubin)
  5. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jaamac Faarax Xasan (xubin)
  6. Taliyaha Ciidamada Alsuubta Gen Cali Nuur (xubin)
  7. Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdiyare Xasan Xuseen (xubin)
  8. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (xubin)
  9. Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Barre (xubin)