Shirka madaxda Dowlad Goboleedyada uga socda magaalada Dhusamareb oo maalintiisa labadaa galay.

Dhuusamareeb:-Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ka socda shirka wadatashiga madaxda dowlad goboleedyada dalka oo galay maalintiisii labaad.

Shirkan ayaa shalay ka furmay Dhuusamareeb, waxaana furitaankiisii khudbado ka jeediyey dhamaan madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee isugu tegay Dhuusamareeb, waxayna rajeeyeen in shirkaas ay kasoo bixi doonaan qodobo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxdu ma shaacin goorta la soo gaba-gabeynayo shirkaas, balse waxaa lagu wadaa in gaba-gabadiisa laga soo saaro war-mutiyeed ay ku cadyihiin qodobada la isla go’aamiyo. Waxayna illaa hadda wax walba u socdaan si caadi ah.

Ciidamada amaanka gaar ahaan booliiska ayaa aad u xaqiijinaya amniga magaalada Dhuusamareeb, waxaana la arkayaa iyagoo gaaf-wareegaya wadooyinka waaweyn magaalada.

Taliyaha qeybta guud ee booliiska Galmudug General Bishaar Abshir Geedi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gudanayaan waajibkooda amniga magaaladuna uu yahay sidii loo baahnaa.

Dhanka kale Taliye Bishaar ayaa bulshada reer Dhuusamareeb uga mahad celiyey wada shaqeynta ay u muujinayaan laamaha ammaanka, waxuuna ka dalbaday inay sii wadaan dadaalkaas.