Mid ka mid ah Ilaalada Wasiirka cadaaladda oo dilay Agaasime waaxeed.

Muqdisho;-Nin ka tirsanaa ilaalada wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ku dilay masuul ka tirsanaa xaafiiska xeer ilaalinta Qaranka.

Marxuumka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdulqaadir Cilmi, waxaana la sheegay in uu Agaasimihii ka ahaa waaxda IT-da ee xafiska xeer illaalinta Qaranka.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo war ka soo saaray dilka mas’uulkas ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen askarigii dilay marxuumka, isla markaana ay baaritaano ku socdaan.

Wuxuu Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa tacsi u diray qoyska iyo ehellada uu ka baxay Allaha u naxariistee Maxamed Cabdulqaadir oo ka tirsanaa xaafiiska xeer ilaalinta.

Xeer ilaaliyaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga wuxuu ku yiri, “Waxaan la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shaqaalaha xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, tacsi tiiraanyo leh geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Maxamed Cabdulqaadir Cilmi oo gacan ka xaqdaran ku dishay maantay magaalada Muqdisho.”

Qoraalka xeer ilaaliyaha ayaa intaas ku daray, “Marxuumku wuxuu ka mid ahaa hawladeenada Xafiiska, wuxuuna ahaa shaqsi firfircoon oo karti iyo howl karnimo ku sifoobay. Waxaa la xiray gacan ku dhiiglihii dilay marxuuka, waxaana socota baaritaan”