MAXAY U DHIGAN TAHAY DOORASHADA WAQTIGEEDA HAKU DHACDO?

Marka la soo koobo micnaha ka dambeeya siyaasadda oranaaysa doorashaa waqtigeeda haku dhacdo waa “ Ma rabno doorasho furan oo qof iyo cod ah, waxaan rabnaa doorasho dadban” waayo way og yihiin inysan suurto gal ahayn.
Micnaha doorasho mida dadban iyo mida furan:
Doorashadda furan waa marka shacabka awood loo siiyo inay soo doortaan madaxdda dalkooda 50 sano ka dib.
Doorasho dad’ban waa marka Ugaas, sultaan iyo siyaasiga ay dhexdooda iska soo xulaan hogaanka dalka, tasoo sababi karta musuq-maasuq iyo hogaan xumo.
Beesha Caalamka iyo deeq bixiyayaasha:
Marka ay derseen salka mushkiladda dalka Soomaaliya, Golaha Amaanka Qaramadda Midoobay waxay dalka Soomaaliya ka dalbadeen in la gaaray waqtigii la qaban lahaa doorasho qof iyo cod oo aysan marnaba taageereenin doorashooyinkii hore mid u eg, ayagoo mar hore kusoo guuleestay Afghanistan iyo Iraq.
Hadeey Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee doonaayo doorasho dad’ban ayku adkeeystaan waxaan rabnaa doorasho dad’ban, Deeq-bixiyayaasha ay yiraahdaan qabsada doorasho dad’ban lakiin anaga hanagu tashanina mid dhaqaale iyo mid amaan, Soomaalida awood ma u leedahay inay doorasho qabsadaan?
Waxaan aaminsanahay inuu dalka Soomaaliya uu joogo waqtigii awooda dowladnimo dib loogu celin lahaa shacabka Soomaaliyeed si ay u soo doortaan hogaanka dalkooda 50 sano ka dib, tasoo fursad u ah in dadka Soomaaliyeed ee wanaagsan ay ku soo biiraan siyaasada dalka iyo samatabixintiisa.
Wa bilaahi towfiiq.
Sheiknor A. Qassim