Madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi oo xalay ku geeriyooday Nairobi

Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Marxuumka oo maalmahan xanuunsanaa ayaa xalay ku dhintay isbitaal gaar ah oo ku yaalla Nairobi, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka mid ah aas-aasayaashii Puntland oo ah maamul goboleedkii ugu horreeyey ee dalka ka aas-aasmay.

Geerada Marxuumka waxaa ka tacsiyadeeyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo war ka soo saaray geerida marxuumka, isagoo  tacsi u diray ehelladiisa iyo dhammaan Puntland, wuxuuna marxuumka Alle uga baryay inuu ka waraaabiyo Jannadiisa Firdowso.