Ciidanka la dagaalanka Argagixisada Kenya oo gacanta ku dhigay 2-nin iyo waxyaaba Qarxa.

Ciidamada Booliska Kenya ee la dagaalanka Argagaxisada ayaa Gacanta Ku dhigay labo Nin iyo waxyaabaha qarxa oo Guriga ay ku jireen yiilay.

Howgalkan ayay ciidamada waxay ka sameeyeen Xaafada Chepkatet ee magaalada Eldoret ee dalka Kenya.

Labada Nin ee la qabtay ayaa kala ahaa Maxamed Axmed Bashiir oo 59 sano jir ah iyo Nasanga Ibrahim oo 69 Sano jir waana ajnabi aan u dhalan dalka Kenya sida ay Sheegeen laamaha amaanka.

Booliska oo soo bandhigay Waxyaabaha qarxa ee Labada eedeysane lala soo qabtay ayaa kala ahaa Fiilooyinka la isku xiro Marka qaraxyada la sameenayo,aaladaha laga sameeyo Waxyaabaha qarxa,Fiyuusyada la isku xiro si uu Qaraxu u dhaco.

Haya’ada dambi baarista Kenya ayaa sheegtay in eedeesanayaasha gacanta lagu hayo baaritaanana lagu wado.

“Tuhmanayaasha ayaa ku jira xabsi sharci ah iyadoo baaritaanno dheeri ah ay socdaan”.ayuu Yiri Taliyaha laanta dambi baarista Kenya.

Dalka Kenya sanadkii hore ee 2019-kii waxaa ku dhintay Ku dhawaad 83 Ruux kuwaas oo dhamaantood u dhintay weeraro ka yimid alshabaaab,20% ayay ka korodhay sanadkii ka horeeye ee 2018 Markaas oo weerarada Alshabaab ay ku dhinteen Guud ahaan sanadkaan 56 Qof.

Bishii January ee sanadan Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay shan eedeesane oo 3 Kamid ah ay soomaali yihiin halka Mid kenyaan yahay Mid kalena u heysto dhalashada dalka mareykanka kuwaas oo iyana watay waxyaabaha qarxa.

Korarka weerarada Alshabaab ee dalka Kenya iyo Halista laga qabo ayaa keentay in mareykanka uu digniin ka soo saaro weeraro ka dhici kara xarumaha waaweyn ee Nairobi, Sidoo kalena gudaha bisha March ayay ahayd markii Mareykanka iyo Kenya ay saxiixdeen Heshiis sida wadajir ah howgalo loogu qaadayo Alshabaab loogu hortago in weeraro ay geestaan.

 

Agaasimaha Haya’ada Dambi baarista Kenya George Kinoti ayaa sheegay in Heshiiskaas uu Kenya ka caawinayo in ay Markastaa kawarheyso Qatar alshabaab kana gacan sareyso Xaga Technologyada.

Dhanka kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa faray masuuliyiinta Amaanka dalka Kenya in ay ka hortagaan falalka alshabaab ee ka geysan karaan dalkaas.