Ciidamada Dowladda oo magaalada Balcad ku qabtay nin ku soo Libistay dharka Dumarka.

Balcad:-Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ku qabtay nin looga shakiyey inuu ka tirsan yahay Maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen gudaha magaalada Balcad ayaa waxay ku soo qabteen ninkaas oo watay dharka dumarka, waxayna sheegeen saraakiisha ammaanka degmadaas inay baaritaano ay ku socdaan.

Dhanka kale Illaa hadda ma cadda sababta ninkaas ku kaliftay inuu xirto dharka dumarka, balse saraakiisha ciidamada ammanka ee ku sugan Balcad ayaa sheegay in si weyn ay ugu tuhmayaan inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.