Shirka madaxda maamul Goboleedyada oo Maanta ka furmay Dhuusamareeb

Muqdisho:-Waxaa goor dhow ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug shirka wada tashiga madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in ujeeddada Gogosha ay u dhigeen ay tahay in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu ay uga wada tashadaan hannnaan doorasho ee Dalka oo xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan talada Dalku iyaga keliya ku koobnayn balse ay tahay mid baahsan loona baahan yahay wada tashi.