Oday 80-jir kamid ah Ardayda u fariisatay imtixaanka fasalka 8-aad+ Sawirro

Gaalkacyo:-Ardayda Fasalka 8aad ee Soomaaliya oo Maanta si wada jir ah ugu fariisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa waxaa qeyb ka noqonaya , Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo ah 80-jir ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in heerkan uu soo gaaro, wuxuuna Bulshada ugu baaqay in waxbarashada lagu dedaalo oo aan da’da lagu xirin.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarashada Galmudug, Mursal Cabdi Aadan oo imtixaanka ka daah-furay Magaalada Gaalkacyo ayaa guud ahaan Ardayda iyo Oday Cabdiraxmaan u rajeeyay guul, isagoo ku bogaadiyay dedaalkooda baaxadda leh.