Maxay yihiin Ajandayaasha Shirka madaxda DG looga hadlaayo?

Magaalada Dhuusamareeb Maanta Waxaa ka furmaya Shirka Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo dhammaantood ku sugan Dhuusamareeb.

Ajendaha Shirka maanta furmaya ayaa ah Khudbad jeedinta Madaxda maamulada ee Shirka ka qeyb galaya.

Shirka qodobadda diiradda lagu saarayo ayaa kala ah Arrimaha Doorashada Soomaaliya, Dib u eegista Dastuurka iyo Sharciyo ay Meel Mariyeen Golaha Shacabka oo Qaarkood ay diidan yihiin Maamul Goboleedyada.

Shirka ayaa ah mid ay dhamaan isha ku hayaan wadamada Daneeya Siyaasadda Soomaaliya Waxaana shirka Aan Qayb ka ahayn Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la soo dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga madaxda Dowlad goboleedyada ee ku sugan Dhuusamareeb.