Magaalada Dhuusamareeb Waxaa maanta ka furmaya Shikii madaxda Dowlad Goboleedyada.

Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa maanta ka furmayo shirka Madaxda DG oo ay diiradda ku saarayaan arrimaha doorashooyinka dalka, Xaaladda kala guurka iyo qorshooyin kale.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Dhuusamareeb kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Madaxda Maamul Goboleedyada, waxa ay kaga arrinsanayeen qorshaha shirkooda maanta u furmaya.

Dhuusamareeb waxaa ku sugan Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, midba meel gooni ah ayaa laga dajiyay Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Qorshaha furitaanka shirka wuxuu ahaa 9-kii July Khamiistii maalin kahor, balse waxa uu u baaqday madaxda Dowlad Goboleedyada oo qaarkood gelinkii dambe tagay Magaalada Dhuusamareeb.

Shalay oo Jimco ahayd, Madaxda DG waxay isla garteen inay nastaan oo furmashada shirkooda lagu beego maanta oo Sabti ah 11-ka July, si ay u yeeshaan kulan hordhac ah oo ay kaga arrinsadaan qodobada miiska saaran.

Dhanka kale Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la joojiyay isu socodka Gaadiidka, halka meelaha qaar dadka loo diidayo in ay maraan, sabab la xiriirta madaxda la dajiyay.