Dagaal GaalKacyo ku dhexmaray Ciidamada ammaanka Puntland iyo Kooxo ka Ganacsada walxaha maanka-dooriya

Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug waxaa uu iska horimaad ku dhexmaray Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland iyo koox ka ganacsata walxaha maanka dooriya.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay Xaafadda Garsoor dhanka Waqooyi Magaalada Gaalkacyo oo maamul ahaan hoostagta Puntland, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada ammaanka weeraray goob la sheegay in lagu iibinayay walxaha maanka dooriya, waxaana u suuragashay inay cagta mariyaan goobihii ay dhisteen dadkii ka ganacsanayay Maandooriyaasha.

Dadka deegaanka ayaa Hay’adaha ammaanka ku wargeliyay Goobaha lagu iibiyo walxaha maanka-dooriya, kadib markii ay kordheen falalka amniga liddiga ku ah iyo dhaca rayidka loo geysto.

Taliska Booliiska oo kaashanaya nabadsugidda ayaa ku dhaqaaqay howlgalkaas lagu burburinayo kooxahaan, waxay sameeyeen iska caabbin ka dhan ah Hay’adaha ammaanka Puntland.

Dhankakale labo ayaa dhimatay oo ah dhinacyadii dagaalamay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegay inay burburiyaan goobaha lagu iibiyo walxaha maanka-dooriya.