Ardeyda fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe oo maanta u fadhiisanaya Imtixaanka dowladda

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Soomaaliya ayaa saakay Sabti ah kuna beegan 11-ka July bilawday qaadista Imtixaan sanadeedka Ardayda Fasalka 8-aad Dugsiga Dhexe.

Waqti sanadeedka Imtixaanka oo ku beegnaa bishii May waxaa baajiyay cudurka Covid-19 oo saameyn taban ku yeeshay wadamada Caalamka, waxaana loo fasaxay Goobaha Waxbarashada, si loo joojiyo isu imaatinka Bulshada.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa goobo kala duwan ku qaadeysa Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe, Taliska Booliiska Soomaaliyeed waxay shaaciyeen inay u diyaariyeen 2000 Askari oo ilaalineysa goobaha loo qorsheeyay.

Qaadista Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe waxay uga dhigan tahay Wasaaradda Waxbarashada in muddo dheer kadib ay qaado, maadaama Imtixaanka Dugsiga sare (Fasalka 12-aad) ay qaadeysay Wasaaradda.

Ardayda Gobolka Banaadir ku sugan waxaa Imtixaanka Fasalka 8-aad ka qaadi jiray Dalladaha Waxbarasho iyo iskuulada ay dhigtaan, kolka ay helaan Natiijo wanaagsan waxay u gudbi jireen Dugsiga sare.

Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa sanadkaan shaaciyay inay qaadeyso Imtixaanka Dugsiga dhexe oo waqti ahaan laga soo hormariyay kan Dugsiga sare (Fasalka 12-aad) oo isna qorshaha qaadistiisu ay Wasaaraddu wado.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Ardayda u rajeeyay in si wanaagsan u galaan, isla markaana ay dhowraan shuruucda cusub ee ka dhalatay Covid-19.