Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee maanta furmi lahaa oo dib u dhac ku yimid.

Dib u dhac ayaa ku yimid inuu maanta furmo shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada isugu tagay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana socda kulamo gaar gaar ah oo leeyihiin hoggaamiyaasha.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa kulan maanta ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo ka arrinsaday xiliga uu furmayo shirkooda, waxa ay isla garteen in berri oo Sabti ah ku beegan 11-ka July uu si rasmi ah u qabsoomo, maantana ay nastaan.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa kasii soconaya kulamada gaar gaarka ah iyo kuwa guud oo ay yeelanayaan Madaxda Hir-Shabeelle, Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Mas’uuliyiin ku dhaw Shirka waxa ay Mustaqbal u sheegeen in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ah Martigeliyaha kulanka Heer Dowlad Goboleed uu madaxda usoo bandhigay in maanta uu furmo shirka iyo in berri laga dhigo.

Ajendayaal dhowr ah ayaa miiska saaran, waxaana ugu weyn Doorashada dalka 2020/21 oo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada qaarkood dhaliilsan qorshaha DFS ay ku wajaheyso Doorashada Dalka, maadaama muddo xileedkeeda gaba-gabo yahay.