Maalmahaan, Saqiira suujis ayaa ku batay Puntland iyo Gobalada dhexe ee…=Nasashada Jimcaha.Q-208=

1-Koo Bakhiil ah ayaa Baabuur soo iibsaday, wuxuu tagay Garash Xaafadda ku yiil. kuwii Garaashka ayaa ku yiri: Gudaha Garashku waa 15 Dollar Bishii, haddii aad Banaanka hore dhigato waa 8 Dollar bishii. Laakin, Haddii aad banaanka dhigato ee Qarax laguugu xiro nooma heeysatid. Wuxuu yiri: In wax laga furfurto Gaariga ayaa ii daran ee in Qarax la iigu xiro ka baqi maayo, meydna ma murugoodo, furfurushadaa ii daran oo Hurdimaayo.
(Koo Mas’uul ah ayaa lagu yiri: Haddii heshiiskaan 100.000 Dollar darteed aad u saxiixdo, Aduunka Dadkaa ku habaarayo, Aakhirana Dab Naareed. wuxuu yiri: Dab Naareed ka cabsan maayo ee Dollarkaa ii daran).
2- Nin buuran ayaa loo guuriyay Gabar caato ah, Ninkii Sariirtii oo dhan isagaa buuxiyay, dhinacii ay u dhaqaaqdaba wuxuu ku yiraa war waa Anniga. Waxay ku tiri: oo xageen seexdaa ma dhulka?. Wuxuu ku yiri: Naa naga Aamus, Sariirta Meel waliba Anigaa joogee. ( F.S: 1aad).
( Koo Qorax joog ah, ayaa Xafiiskii uu u shaqo tagaba wuxuu ugu tagaa Qurba joog, waxa uu ku yiri:………… waxay ku yiraahdeen……….).
3-Nin Marqaansan oo Jaad Cunayay, ayaa intii uu Musqusha ku maqnaa, Jaadkii waxaa ka cuntay Ri’. Markii uu soo noqday ayuu ogaaday in Ri’ ka cuntay. Saaxiibadii ayuu ku yiri: Wallaahi in aanan uga hareeyn ee Ri’da Wajigeeda ma garaneeysiin.( F.S: 2aad).
( Haddii aad Saldhig Police ugu tagto Police-ka cusub ee “Bac ka sii”, oo aad ku tiraa Xalay ayaa Guriga Anniga oo ka maqan Tuug u soo dhacay, waxay ku leeyihiin Baaritaan ayaan Bilaabeynaa ee Tuuga Wajigiisa ma garaneysaa?)
4- Islaan ayaa Wiil Xamar joogay kula heshiisay iney Ameeriko geeyso uuna siiyo 40.000 Dollar, inuu u hor mariyo 20.000 Dollar, kadibna marka Ameerika la geeyo ee uu shaqeysto uu siiyo 20.000 Dollar ee hartay.
Muddo la isma arag, Maalintii Dambe ayey aragtay oo kuleetiga ku dhegtay, kuna tiri: waan ku raadinayay ee Lacagteydii i sii .wuxuu ku yiri: Aniguba waan ku raadinayay Meeshaana waan ku wareeray ee Lacagteeydii i sii, ee meeshaad iga soo waday igu Celi. ( F.S: 3aad)
( waa iga su’aale, Hadda meeqaa ogol in Lacagtoodii loo celiyo oo meeshii laga soo waday loo celiyo).
5-Oday Farax Fidno oo caadeystay inuu Haweenka kufsado, ayaa wuxuu arkay Naag Ari ilaalinee oo xambaarsan Gabar yar oo 8 billood jirto. Odaygii Jinkii ayaa ku soo degay, Islaantii ayuu dhulka ku dhuftay. Isaga oo howshii ku guda jiro, ayaa Gabadhii yareed inta Jeego ugu dhacday Hooyadeed dhinaceeda ayey ooyneysay, iyada oo qaawan, Ooyinteedii ayuu u adkeeysan waayay. Isaga oo faruurya qaniinsanayo ayuu yiri: Caku, haddaan Wiilkeeygii yaraa aan soo wadan lahaa, soow Gabadhan yar igama aamusiyeen.
( Maalmahaan, Saqiira suujis ayaa ku batay Puntland iyo Gobalada dhexe ee ma ilmihii Oday Farax Fidno ayaa qaangaaray, war Alla ka baqa)
6-Koo Reer Gaalkacyo ah oo aan weligii Galin Garoonka Ciyaaraha ayaa wuxuu maqlay, Maanta waxaa ciyaarayo Koox Reer Gaalkacyo ah iyo Koox kale. Garoonkii ayuu galay Ciyaartii oo ka hor Bilaabatay. Nin dhinac fadhiyay ayuu weydiiyay: Meeqaa la kala Maraa. Ninkii ayaa ku jawaabay, weli ( waa 0:0).
Kii Reer Gaalkacyoodka ahaa ayaa su’aal kale weeydiiyay isaga oo kor u qeylinayo. Kuna yiri: Eberta yaa ku horeeyay. ( F.S: 4aad)
( Comment, ad lee waaye, yaan Reer gaalkacyo iga caroone)
Qore: Yahya Amir