Howlgalka Africom oo sheegay in Duqaayn dhanka Cirka ah ku dileen Sarkaal Al-Shabaab ah.

War kasoo baxay Taliska Mareykanka u qaabilsan howlgalada Qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM waxaa looga hadlay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha duulliye la’aanta (Drones) ay ka geysteen Gobolka Shabeelaha Hoose.

Si gaar ah duqeynta waxa ay ka dhacday deegaanka Hantiwanaag oo 12 KM u jirta Magaalada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, AFRICOM ayaa sheegtay inay la fuliyeen howlgalkaas Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Madaxa howlgalada AFRICOM ayaa sheegay in xubnahaan ka tirsan Al-Shabaab ay ku bartilmaameedsadeen xili ay ku sugnaayeen Bar kontorool oo ku taalla deegaanka Hantiwadaag.

Xubin katirsan Al-Shabaab oo aysan soo bandhigin magaciisa iyo Darajada uu ka gaarsiisan yahay Shabaab ayuu sheegay Taliska in ay ku dileen duqeynta, halka ay burburiyeen Gaari iyo xarunta ay ku sugnaayeen.

Howlgalka waxa uu dhacay 9-kii July oo shalay ahayd, Taliska Mareykanka u qaabilsan howlgalada Afrika ayaa sheegay in aysan diiwaangelin rayid wax ku noqday duqeyntooda sida lagu caddeeyay bayaanka kasoo baxay.

Xogta ninka la dilay iyo goobta la burburiyay Mareykanka waxa uu sheegay in ay ka gacansiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo adeegsaneysa ilo sirdoon, qaybna ka ahaayeen fulinta weerarkaas.