BOOR ISKU QARIS MIYAA ?

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook wuxuu isku weeydiiyay waa,ayo cida uu is leeyahay Madaxweynuhu waad siri kartaa, mar haddii Inta siyaasada ku hawlan iyo inta falanqeysa ay Si fudud u fahmi karaan Farriinta is burrinaysa ee ka daba tuurka Ah oo Madaxtooyadu ay soo Saartay markii uu cadeeyay Raysilwasaare Qayre mowqifkiisa ku aadan Doorashada .
Hogaamiyaha xisbiga wadajir c/raxmaan C/shakuur ayaa Madaxweyne farmaajo weeydiiyay bal in uu iswaafajin karo iyo in kale Erayada muddo kororsi ma oggoli, laakiin 5 bil Gudahood ayaan doorasho qof iyo cod ah ku Qabanayaa. Isqancin iyo wadatashi ayaan Rabaa iyo la hadli maayo Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda. Doorasho dastuurka waafaqsan Ayaa doonayaa iyo waa in la meelmariyo sharciga doorashooyinka oo 4.5 dhigaya.
Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato ah, boor isku qaris ah, waa ciyi waa ka baryey, waana laba canleyn ludda jecli lafta jecli ah, laguna carqaladeynayo go’aankii Golaha Wasiirrada. Haddii si kale loo dhigo waa muddo kororsi labbis cusub loo soo xiray, waa riwaayad soo saaraheedu farsamo xun yahay.
Soomaalidu waxay ka sugeysaa madaxda Dowlad Goboleedyada ku shirsan Dhuusamareeb in ay mowqifkooda caddeeyaan, taageeraanna cida muddo kororsiga diiddan, ogol doorasho xilligeeda ku dhacda iyo talo wadaag saamileyda siyaasadeed qayb ka tahay.
Elmi Osman Boodhari