SOOMAALIDA KU SUGAN DALKA SUDAN OO WELWEL SOO FOODSAARAY.

Sudan flag

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee joogta Sudan ayaa lagu qaaliyeeyay visaha daganaasha wadankaasi Sudan, kadib isku dhac diplomacy oo labada dal dhexmaray.

Ardada Soomaaliyeed ayaa visaha daganasha waxaa loogu saari jiray lacag ka yar $100, balse isku dhacaan kadib ayaa shalay arday soomaaliyeed oo tagtay immigration-ka Sudan waxaa lagu wargeliyay in visa-ha deganaashaha laga dhigay $800 sanadkii, halka ganaaxa maalintii laga dhigay $100 kaasoo horay u ahaa wax ka yar $1 (lacagahan ayaa waxey gooni u tahay ardayda iyo muwaadiniinta Soomaaliya). Arintaan ayaa keentay inow dib u dhac ku yimaado duulimaad muwaadiniin Soomaaliyeed la doonayay in looga qaado dalka Sudan.

Sababta ugu weyn ee ee ka danbeysa lacagahan faraha badan ayaa lagu sheegay iney tahay kadib markii dowladda #Somalia ku wargelisay safaarada Sudan ee Muqdisho ku taala in muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Sudan ee ku sugan Somalia dhiibaan $800 oo visa-ha ah sanadkii iyo $100 oo ganaax ah maalintii qofkii uu visaha ka dhaco.

Arintaan kor ku xusan ayaa horseeday in markii ugu horeysay si fiican loola dhaqmi waayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jooga dalka Sudan. Muwadiniinta oo tiro ahaan ah kumanaan, intooda badanna ah arday wax kabarata magalooyinka kala duwan ee dalka Sudan.

Dalka Sudan ayaa ah dal dadka Soomaaliyeed wax badan taray xiliyadda Burburka, arday badan oo Soomaaliyeed waxbarasho ka siiyey dalkooda, marnaba ma haboonna in muwaadiniinta yar oo dhaqaatirta iyo xirfadlayaasha ah ee ku sugan Soomaaliya in loola macaamilo sida wadamadda aan weligood waxba tarin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xigasho: Arday Jaamacad ka dhigta Sudan.