Nin Hubeysan oo Qoys uu gabar ka qabay ka dhigay wax uu dilay iyo wax uu dhaawacay.

Nin ku hubeysnaa Qori Ak47 ayaa xalay weerar ku qaaday dad qoys ah oo deganaa Guri ku yaalla deegaanka tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo baxaya faah faahino.

Dadka Deegaanka ayaa ku warramaya in Ninka hubeysan uu rasaas xoogan ku furay Caruur iyo Haween ku sugnaa Guriga, waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey 4 qof ayaa goobta ku geeriyootay, halka 5 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, dhamaantoodna dadkaas waa isku qoys, isla markaana ku sugnaa gurigooda oo ku yaalla tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in Ninka weerarka geystay uu gabar ka qabay Qoyska uu laayay, waxaana la sheegayaa in Ninka xoogaa Maxada loogu jiray, kaasi oo markii dambe baxsaday.

Ciidamo kal tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, waxaana gurmad xoogan loo sameeyay dadkii waxyeelada soo gaartay, iyadoo dadka dhaawacmay loo qaaday Xarun Caafimaad.

Dhacdadaan ayaa si aad ah looga hadal hayaa Magaalada Muqdisho, waxaana dadka qaarkood ay sheegeen inay aad uga naxsan yihiin falkaasi foosha xun.