Madaxda dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo gaaray magaaladda Dhuusamareeb “Sawirro”

Muqdisho :- Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarunta Dawlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa gaaray Madaxda Dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye {Qoor-qoor} ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay galabta wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo magaaladaasi gaaray.

Sidoo kale wafdi  uu hoggaaminayo  Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka degay magaalada Dhuusamareeb, waxaana wafdiga garoonka kusoo dhoweeyey madaxda Dowlad goboleedka Galmudug.

Magaaladda Dhuusamareeb ayaa horay waxaa u gaaray madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele, Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen.