Ilaalada Madaxweyne Axmed Madoobe oo gaaray Dhuusamareeb iyo Wafdiga Jubaland oo iyana ku wajahan.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaasi goordhow aygaareen wefdi hordhac u ah safarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo u badan ilaaladiisa gaarka ah oo aad u hubeysan.

Sawirro laga soo qaaday intii ay ku sugnaayeen Garoonka Kismaayo ayaa muujinayay ciidamada oo aad u qalabaysan isla markaana wata hub culus kuwaas oo ka duulaya garoonka magaalada Kismaayo si ay u gaaraan magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada Dhusuamareeb oo uu ka furmayo shirka madaxda maamul gobaleedyada oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Dhanka kale Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana xalay magaalada gaaray ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni,labadaas madaxweyne maamul gobaleed ayaa u muuqda in magaalada ay la tageen ciidamo xoog leh si ay u xaqiijiyaan amnigooda.