Dukaamo la boobay iyo Xaaladda magaalada Vrendenburg ee Dalka Koonfur Afrika.

Xilli xalay Hal Dukaan ma ahane inta kale la boobay qeybta Madowga ee Magaalada Vrendenburg ee Dalka Koonfur Afrika,Askarta oo isku dayaya inay gurmad siiyaan Ganacsata qeybta Tuulada Midabku degaan Ganacsiyada ku leh waxay ku amreen Soomaalida inay Alaabadooda ka rartaan Dukaamada oo dhan, iyagoo isugu geeyey gudaha Magaalada.


Cabdi Calas Guure oo aalaaba u dhaqdhaqaaqa bulshada oo xiriiro kala duwan la sameeyey Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee boobku gaaray si uu xaaladooda ula socdo iyo Taliyeyaasha Booliska Vrendenburg, ayaa ii sheegay in xaaladdu ay wali cakiran tahay, balse Masuuliyiinta Dowladda ay kulan gaar ah ka leeyihiin sidii loo demin lahaa.
Muwaadin Soomaali ah, oo aysan ii suurtagalin inaan Magaciisa helo ayaa dhaawac fudud uu kasoo gaaray mashaqada oogan, waxaana jira hanti aan cadadeeda la qiyaasi karin oo ku baxday gacanta Boob-sameeyayaasha.
HADABA BOOBKA MAXAA DHALIYEY ⁉️
Dad koox koox u abaabulan oo maalmihii la soo dhaafayba weeraro iyo dibadbaxyo rabshada wata ku waday Daraawalada Ajaanibta ah ee kaxeeya Gaadiidka Xamuulka ah (Truck Drivers) ee ka shaqeeya gudaha South Africa, ayaa ku qamaamay goobaha ganacsiga ee Ajaanibta gaar ahaan kuwa Soomaalida.
WIXII SOO KORDHANA ILA SOCDA…
Abdulrazak IndhaJaceyl