BANAANBAXYADA NABADEED WAA ASTAAN DAWLADNIMO.

Marka laga yimaado dhismayaasha danta guud, mashaariicda tirada badan ee dawladu fulisay, mushaarka iyo xaquuqda kale ee ay heleen shaqaalaha dawlada iyo ciidamada waxaa dhinaca kalena barbar socda cadeymo kale.
Banaanbaxyada nabadeed ayaa iyagana ah astaan dawladeed, yididiilo iyo rajo farxadeed oo muujineyso in uu dalku ka baxay dib u dhicii.
Dibadbaxyada nabadeed waa fariin cabasho ah oo ay shacabku u gudbinayaan madaxda sare ee dawlada taas oo ay ku tibaaxayaan waxa khaldan iyada oo markaa ay tahay in ay ka jawaabaan masuuliyiinta sare ee dalka iyaga oo tixgelinaya cabashada shacabka.
Waayo marka ay codka dadka cabanaya u dhago nuglaato dowladu waxaa kordhaya kalsoonida ay dadweynuhu u hayaan waxa ayna noqon mid sal adag oo aan la liicin karin.
Balse haddii ay dhagaha ka fureysato waxa ay dibad baxyadu isu badali karaan kuwa rabshada abuura kadibna carqalado, dagaalo bubur iyo kala daadasho horseeda.
Sidaa darteed waxaa wanaagsan in mar walba ay dawladu saxdo khaladka ay dadweynuhu tirsanayaan si looga feejignaado loogana hortago wax alla wixii dhaawici kira midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Dalkeena Soomaaliya waxa uu soo marey xaalad adag, fowdo, burbur iyo dagaalo sokeeye kuwaas oo dalka dib u dhac galiyey sidoo kalena caalamka inaga reebay muddo 30 sano ah marka qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah waxaa laga rabaa in uu dhankiisa ka illaaliyo dowladnimada maanta oo ah rajada aan haysano.
Mohamed Farah Duurgal.