Al-Shabaab oo burburisay Xaruntii shirkada Isgaarsiinta Safaricom ku laheyd Magaalada Gaarisa.

Rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa burburiyay Xaruntii Shirkada Isgaarsiinta oo laga leeyahay dalka kenya,taas oo ku taallay aagga degaanka Korakora ee Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Daka Deegaanka ayaa sheegaya in ku dhawaad 20 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerareen Xaruntaas, isla markaana dagaal kooban uu dhex-maray Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo ilaalo ka hayay Xarunta la burburiyay.

Ma jirin wax khasaaro nafeed oo ah oo ka dhashay dagaalkaas dhex-maray Ciidamada Booliska Kenya & Al-Shabaab,waxaana Dhacdadan ay timid kadib markii laamaha ammaanka ay ka digeen inay suurta gal tahay in la weeraro xarumo muhiim ah oo ku yaal xudduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Rono Bunei Taliyaha Booliiska gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen howlgalada ka socda aagga uu weerarka ka dhacay si wax looga qabto khatarta amni darro ee ka jirta degaankaas.

Dhanka kale Toddobaadkii hore, Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero Booliis oo ku taal degaanka Fafi, ee Gobolka Gaarisa,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.