Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Shirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad-goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay dhigiisa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulkiisa.

Waare ayaa Dhuusamareeb uga qayb galaya shirka Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka kaas oo maalinta bariya ka furmaya Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad-goboleedka Galmudug.

Hogaamiye Waare ayaa waxaa Dhuusamareeb ka dajisay diyaar ay leedahay Qaramada Madoobay maadaama Wakiil gaar ah ee Xogyaha guud ee Qaramad midoobay uu shirkaan gadaal ka riixayo.

Dhanka kale Madaxweynayaasha kale ee Dowlad-goboleedyada dalka oo kulmaya markoodii ugu horeeyay mudo sanad ka badan ayaa iyaguna saacadaha soo socda la filayaa inay gaaraan halkaasi.