Qarax lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamada Booliiska oo ka dhacay Muqdisho.

Qarax loo adeegsaday miino dhulka la geliyay ayaa ka dhacay Xaafadda taleex gaar ahaan Agagaarka Madaxtooyadii Madaxweynihii Dowladda KMG ahayd ee Cabdiqaasim Salaad Xasan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay labo ruux oo la socotay gaariga ay leeyihiin Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa dhimatay, halka ay dhaawacmeen dad kale oo shacab ah oo marayay wadada uu gaariga ku qarxay.

Labada ruux mid ka mid ah waa Haweeney, halka qofka kale uu yahay Rag sida ay sheegeen goobjoogayaal ka dhawaa goobta lagu qarxiyay Gaariga ku buufsan sumadda Booliiska Soomaaliya.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo goobta tagay waxay xireen agagaarka halka wax ka dhaceen inkasta oo kolkii dambe ay fasaxeen isu socodka dadka iyo Gaadiidka.