Muxuu Aqalka Sare ka yiri matalaadda gobolka Banaadir?

Warqad kasoo baxday guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay afar xeer oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Shacabka.

Wuxuu sheegay in xeerarkan aanay guddiga doorashada u isticmaali karin doorashada qaranka ilaa inta laga saxayo.

Guddoonka Aqalka sare ayaa soo jeediyay in sharciga matalaadda gobolka Banaadir uu u baahan yahay harbaac dastuuri ah oo dhameystiran.

Dhawaan ayay aheyd markii Aqalka sare uu ka soo horjeestay xeerar ay ka doodayeen golaha shacabka, kuwaas oo la ansixiyay, isagoo ku tilmaamay xeerarkaasi in lagu sameeyay waxkabaddal aan sharciga waafaqsanayn isla markaana aanay ahayn kuwii ay soo diyaariyeen guddiga isku dhafka ah.

Kuwaas oo kala ahaa, Xeerka deegaameynta kuraasta, Xeerka xaqiijinta qoondada haweenka, Xeerka doorashada xubnaha labada aqal ee ka soo jeedo gobollada Waqooyi iyo Xeerka mataaladda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

.