Kiisas Cusub Coronavirus ah oo laga helay Deegaanada Maamulka Puntland.

Guddiga ka hortagga iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay xaalado Cusub oo Cudurka, kadib baaritaano la sameeyay.

Guddiga waxay sheegeen in la baaray 29 qof oo 4 ka mid ah laga helay xanuunka safmareenka ah ee Covid 19 ,iyada oo dadka xanuunka laga helay ay da’dooda u dhaxaysaa 22 sano jir ilaa 30 sano jir.

Dhanka kale Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay degaannada Puntland ee shaybaarka xaqiijiyey ayaa hadda gaartay 341 qof waxaa u dhintay 8 qof halka ay ka bogsadeen 163 qof.