Guddoomiyaha G/Banaadir oo xarigga ka jaray MCH-ka degmada Xamarweyne+Sawirro

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa maanta xarigga ka jaray MCH-ka degmada Xamarweyne oo dib u dhis lagu sameeyay.

Dib u dhiska MCH-kaan ayaa waxaa iska kaashaday maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya si loo horumariyo adeegyada caafimaad ee ay u baahanyihiin bulshada degmada Xamarweyne.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir, agaasimaha xiriirka degmooyinka gobolka,maamulka degmada Xamarweyne iyo qeybaha bulshada.