Australia oo Xirtay Sohdimaha ay la wadaagto Dalalka Dariska Covid 19 Awgii.

Dalka  Australia  oo ka mid ah  meelaha  ugu dadka  badan  ku saameeyay cudurka safmarka ee covid-19 ayaa xirtay xadka  ay  la wadaagto   victoria  iyo new  south  wales (NSW)  Ka dib  markii ay   kordheen  kiisaska  covid 19 ee mafaalada   meloune
ee dalkaasi  .

Warka  ayaa  intaa ku daraya   in caasimada Victoria  laga diwaangaliyay  boqolaal xaaladood  oo la xariira cudurka  covid 19 labadii isbuuc ee la soo dhaafay  in ka badan 95% ilaa iyo hadda   labo dawladood  ayaa  waxaa ay xireen xaduudooda  ka dib markii  ay soo   badatay  cabsida  laga   cudurka  Covid  oo saamayn weyn ku yeeshay  wadamo badan oo caalamka ah.

Xanibaadda   la saaray  xaduudaha  ayaa  bilaaban doona  maalinimada arbacadda ah aydoo  la xadidi doono  dadka haysta  ruqsadda  safarka.

Ra’iisulwasaaraha  victoria  daniel adrews  ayaa  sheegay in  go’anka xanibaadda   xaduudaha ay tahay  mid ay  sida wada  jir ah iskula gaareen  raiisulwasaha  scott morrison  iyo  NSW Primier  gladys berejiklian.

“Tani waa mid ka mid ah tallaabooyinka taxaddarka ah – waa mid ka mid ah waxyaabaha aan u maleynayo inay naga caawin doonaan annaga oo ballaarin doona xakameynta faafitaanka fayraska,” ayuu yiri Mr Andrews.