Magaalada Nairobi oo laga qaaday xayiraaddii dhanka safarka.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in la qaaday xayiraaddii dhanka safarka ee saarneyd magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Mandheera laga bilaabo berito.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha sheegay in muddo 30 maalmood ah oo kale lagu daray bandowga xilligii habeenkii ee lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo fiditaanka cudurka Corona.

Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in duulimaayada gudaha la furi doono 15-ka bishan July halka duulimaadyada caalamiga ah la furi doono 1-da bisha Agosto.

Wuxuu sheegay in xayiraadda dib loo soo celin doono waa haddii mar kale ay sare u kacaan kiisaska cudurka Covid-19.

Kenya waxay haatan diiwaan gelisay 7,886 oo kiisaska cudurka halka dhimashadu ay gaartay 160.