Ururka OIC oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo.

Jeddah:-Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa si kulul u dhaleeceeyay qaraxyadii ay Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ay shalay ka geysteen Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaartay Dad isugu jira Rayid iyo Ciidan.

Ururka OIC ayaa dhambaal tacsi ah u diray Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada iyo Qoysaska Dadkii ku waxyeelloobay qaraxyadaas, wuxuuna u rajeeyay inuu Alle u booga dhayo Dadka dhaawaca ah.

Ururka OIC ayaa ku cel-celiyay cambaaraynta iyo diidmada adag ee ku aaddan ficillada kooxaha nabad-diidka, wuxuuna ku dhowaaqay in ay Dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin mar walba taageero kasta oo lagaga hor-tagayo falalka gurracan ee Argagixisada.