Oday Cosoboow ayaa yiri: “Oday Maalinoow, ma xasuusataa Doorashadii 1964tii..” Faallo

Oday Maalinoow, ma xasuusataa Doorashadii 1964tii, Xisbiyadii Tartamayay mid kasta Balanqaad Bulsho ayuu sameeyay, Dadka waxaa heeystay Dhibaatooyin Farabadan oo ey ka mid aheyd Culeeyskii laga dhaxlay Abaartii Baastaaley. Xisbi ka mid ahaa tartamayaasha ayaa yiri: waxaan ballan qaadayaa in Guryaha aan idiin soo galiyo Tubooyin aad ka cabtiin Orange iyo Jiinjar oo ahaa cabtaankii Beerigaa loogu jeclaa, sida Fantada maanta.
Dadkii waa la dheceen, Abaartii waa hilmaamaan, isma weeydiin war marka hore Guryaha tubo ma noogu jirtaa?. xisbigii waa loo codeyay. Guryihiina Jinjar lagama cabin.
Doorasha kasta marka ey soo dhawaato waxaa Dadka loo ballan qaadaa, wax ey jecelyihiin, ka daran ayaana dhacdo.
yaanan war kugu badine, Doorashadii hore Gabre ayaa la eryaa ayaa nala yiri, waan soo dhaweeynay, 10 Gabre ayaa timid, xatta taliyaha AMISOM waa Gabre kale.
Haddama 13 kursi ayaa Naloo ballan qaaday, waan ku faraxsanahay, Dhibkii na heeystay ee Jidadka xiran iyo Jeeb xumadii waan hilmaanay, waana Olole Doorasho, waa Tubo Malab ah ayaan idiin galeeynaa, waa jecelnahay waana taageereynaa 13 ka kursi, Laakin, Duruustii hore Dadku ma fahmin Miyaa? waxaad jeceshahaan kuu sheegaa, waxaan jecelahay ayaana sameeynaa miyaa?.
Wax yar sug adaa war kale heli doonee. Darsigii shalay iyo dhibka maanta i heeysto ee Jidka xiran iyo Juuca miyaa leey hilmaansiinaa, mise warka walaxaa ka jiro.
Oday Maalinoow, ma i maqashay?
Oday maalin: yaah, maxaad tiri? intii xunba ka dhaga li’i, Run miyaa? mise.( F.S:1 & 2aad)
Qore: Yahya Amir