Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay baaqashada shirkii uu iclaamiyay Madaxweynaha Farmaajo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay baaqashada shirkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku casuumay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,kaas oo ay eheed in uu furmo maanta oo ah 5 July 2020.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib ka soo sheegi doonto waqtiga Cusub ee uu qabsoomayo kulanka la wada sugayo ee Golaha Amniga Qaranka Soomaaliya.

Cabdi Nuur  ayaa sheegay in u jeeada shirkaasi loo qabanayo ay tahay in ay ka go’an tahay in laga dhabeeyo ayna ka soo baxaan qodobo dan u ah ajendeyaasha qaran ee laga wada hadlayo sida ku cad qoraal uu bartiisa bulshada ku daabacay.

“Waqtiga cusub ee uu qabsoomayo kulanka la wada sugayo ee Golaha Amniga Qaranka waxa la iclaamin doonaa xilliga ku habboon” ayuu yiri Cabdi Nuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.

“Ujeeddada shirka loo madlanyahay waa in laga dhabeeyo rabitaanka xooggan ee ay shacabku ku doonayaan inuu kulanku dhaco, ayna ka soo baxaan qodobo dan u ah ajendeyaasha qaran” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Qabsoomid la’aanta Shirka golaha Amniga qaranka ayaa xaalad cakiran iyo hubintii la’aan gelinaysa qabsoomidda doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Soomaaliya dabayaqaada 2020 & horraanta 2021.