FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO SANJABIILKA ( GINGER ).

Sanjabiilka ( Ginger ) asal ahaan wuxuu ka yimid dalka Shiinaha wuxuuna ka tirsan yahay bahda dhirta ee loo yaqaan Zingiberaceae, Sanjabiilku wuxuu xiriir dhow la leeyahay Huruudka ( Tumeric ) , Heylka ( Gardamom ) iyo Galangal-ka waana midka ugu Caafimaadka badan uguna uduga iyo dhadhanka wanaagsan Dhamaan Geed Kuleyka caalamka. Sanjabiilka waxaa la isticmaalaa isagoo Curdan ( Fresh ) ah, isagoo qalalalan, isagoo budo ah iyo isagoo Saliid ah , GINGEROL waa saliid Jaale ( Yellow) ah waana isku dhiska mas’uulka ka’ah astaamaha daawo ee uu sanjabiilku Leeyahay.
FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO SANJABIILKA WAXAA KAMID AH :: .
• Sanjabiilka Wuxuu hagaajiyaa shaqada Maskaxda wuxuuna kahor tagaa cudurka Al zheimer.
• Sanjabiilka Wuxuu yareeyaa Sokorta jirka.
• Sanjabiilka Wuxuu kahor tagaa cudurka Kansarka.
• Sanjabiilka Wuxuu daweeyaa xanuunada ku dhaca caloosha iyo Mandhicirada.
• Sanjabiilka wuxuu yareeyaa heerka Cholestrolka jirka.
• Sanjabiilka Wuxuu caawiyaa daweynta Cudurada raaga ( Chronic deseases ).
• Sanjabiilka Wuxuu daweeyaa xanuunka haweenka ku yimaada ee ka dhasha Caado wareerka.
• Sanjabiilka Wuxuu daweeyaa Hargabka ,Xumada iyo Murqo xanuunka.
• Sanjabiilka Wuxuu daweeyaa cudurka Sorreness oo ah xanuun daran oo ay sababaan dhaawaca iyo infection-ka kuna dhaca qeybo ka mid ah Jirka.
• Sanjabiilka Waxaa ku jira Walxo kahor taga in unugyada jirka ay saameyn dhaawaceed ku yeelato Ogsidheynta.
• Sanjabiilka Wuxuu yareeyaa Gaaska xad dhaafka ah.
• Sanjabiilka Wuxuu xoojiyaa fir fircoonida Galmada.
• Sanjabiilka waxaa laga helaa NAFAQOOYIN ay ka mid yihiin Calorie, Kaarboon heydareyt, Fiber, Protin Macdan iyo Fiitamiino.
Muse Mohamed Osman. muusekiimiko@gmail.com.