Duullimaadyada Gudaha dalka oo maanta ka bilawday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Todobaadkii hore Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Saalad (Oomaar) wuxuu ku dhawaaqay in 5-ta Bishaan oo Maanta ku beegan dib loo furayo duulimaadyada Gudaha dalka oo loo joojiyey sabao la xiriira ka hortagga Cudurka Coronavirus.

Go’aankasi ayaa la filayaa inuu Dhaqan galo G’aankaas, iyada oo la xadiday duulimaadyada Gudaha dalka ee la fasaxay sababo la xiriira ka hortagga ay dowladda Soomalaiya weli ugu jirto ka hortagga COVID-19.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Saalad (Oomaar) ayaa sheegay in Maalin kasta loo qorsheeyay hal duulimaad oo gudaha dalka ah si taxadarka loo badiyo sidoo kalena dhawaan dib loo furi doono duulimaadyada Caalamiga ah.