DFS oo Lagu eedeeyay inay ka gaabisay Sugida amniga inta u dhaxeysa Wadada Jowhar iyo Muqdisho.

Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa ku eedeysay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inay ka gaabiyeen inay maamulkooda ka taageeraan sugitaanka ammaanka wadada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho.

Canab Axmed Ciise Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dowlad goboleedka, ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeele ay “dayac amni darteeda ugu baxayaan gacanta Xoogga hubaysan ee Al-Shabaab”.

“Horey waan u sheegay waana ku celinayaa, dowladda Soomaaliya afarta sano ee ay jirtay oo ay wax yar uga harsan tahay ma jirto wax amni la xiriira oo ay kala shaqeysay Hirshabeelle,” ayay u sheegtay warbaahinta.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame ayaa sheegay inay qabaan walwal ah in ay dhibaato u gaysteen Al Shabaab oo weeraro jidgal ah ku dilay masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

“Walwalka aan qabno waa amaanka Xildhibaanadu ma hubaysna wadadiina waxa ay noqotay bahalo galeen diyaaradihii waa ay xiranyihiin,marka waxa aan dhihi karnaa waxa ay xuduudka u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan”ayuu yiri Xildhibaan Nuur Xaashi .

Xildhibaanka wuxuu sheegay in Marxuum Maxamed Siyaad uu sidaan oo kale oo uu ugu safri jiray wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar maanta uu la socday odayaal dhaqameed ku siijeeday caasimada Hirshabeelle siga oo xusay in Xildhibaanka loo farmuuqay Al-Shabaab .

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame ayaa xusay in masuuliyad darada amaanka deegaanada Maamulkaasi uu leeyahay Dowlad-goboleedka Hirshabeelle,balse dowladda Faderaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay qayb ka qaatado amaanka Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Madaxda dowlad goboleedka HirShabelle oo uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo asxaabta marxuumka.

Xildhibaanada Hirshabeelle ee gacanta Al-Shabaab ku baxay waxaa ka ah Xildhibaan Marxuum Daahir Muqtaar Cabdulle, Xildhibaan Marxuum Ismaaciil Muumin Hilowle , Xildhibaan Marxuum Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xuurshe iyo Marxuum Maxamed Siyaad oo maanta la dilay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale dilay Gudoomiye Kuxigeenkii Amniga Raage Ceele Marxuum Muuse Afweyne,Gudoomiye Kuxigeenkii Maaliyada Shabellaha Dhexe Marxuum Cabdullaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabelle Marxuum Sabriye Cismaan Tuxubow,Gudoomiye kuxigeenkii Amniga Degmada Maxaas Marxuum Rashiid Cismaan Cali.

Dhamaan Masuuliyiintasi waxaa lagu dilay Gobolka Shabellaha dhexe marka laga reebo Xildhibaan lagu dilay Shabellaha hoose iyo Gudoomiye ku xigeenkii degmada Maxaas oo lagu dilay Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira Fashil dhanka ammaanka ah, la dagaalanka Al-Shabaab oo laga gaabiyey, musuqmaasuq iyo maamul xumo baahsan ayaa kamid ah eedeymaha loo jeedinayo hogaanka haatan ee Hirshabelle oo waqtiga ka dhamaanayo.