Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka KGS oo Howlgal ku soo qabqabtay dhalinyaro looga shakiyay Shabaabnimo.

Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka KGS ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaannada ka dhaw Baraha laga hubiyo gaadiidka gala Magaalada iyo dhaqdhaqaaqyada Xarunta KMG ah ee Maamulkaas.

Howlgalka ayaa daba socda kadib markii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen amar ku bixiyay in sugidda amniga mas’uuliyad iska saaraan saraakiisha iyo Ciidamada u xilsaaran.

Askarta ayaa tiro dhalinyaro ah ku qabtay howlgalka, waxay badi ka dhawaayeen baraha Kontorool ee Magaalada Baydhabo laga galo, qaarkood ayay u wateen xarumahooda baarista, maadaama ay uga shakiyeen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

4-ruux ayaa geeriyootay tiro kalena way dhaawacmeen, kadib markii Qarax la sheegay inuu ahaa Miino nuuca dhulka la geliyo lagu qarxiyay Maqaayad ku taalla Duleedka Koofureed oo u dhaw Bar kontorool oo ay Gaadiidku ku baaraan Ciidamada Koofur Galbeed.

Mas’uuliyadda Qaraxaas waxaa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo shaaciyay inay qaraxaas ku dileen ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS halka kuwo kale ay ku dhaawaceen.

Dhanka kale Hay’adaha ammaanka Koofur Galbeed wali kama aysan hadlin howlgalka ay sameeyeen Ciidamada maamulkaas iyo dadka lagu soo qabtay oo ay wateen Askarta howlgalka qorsheysan sameysay.