Wararkii ugu Dambeeyay Qarixii lala beegsaday Xarunta Ilaalinta Canshuuraha Berriga ee Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan qarixii gaariga miineysan loo adeegsaday ee saakayto lala beegsaday Xarunta Ilaalinta Canshuuraha Berriga (Turubataariyadda) oo u dhow Dekedda weyn ee Muqdisho.

ilo dhanka Ammaanka ayaa sheegay in Gaari lagu soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu xoog ku soo dhaafay Bar Kontorool oo ku taalla agagaarka Xarunta Ilaaladda Canshuuraha, iyadoo ay Boliskii ilaaladda ah tacshiirad ku fureen Gaarigaasi oo ku qarxay albaabka weyn ee Xarunta Ilaaladda Canshuuraha Berriga ee Boliska Soomaaliyeed.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi, iyadoo ay Ciiddanku mamnuuceen in loo soo dhawaado halka uu qaraxu ka dhacay.

Waxaa la sheegay inay dhowr Askari ku dhaawacmeen Qaraxaasi, balse, weli ma kala cadda khasaaraha soo gaaray dadweynihii ku sugnaa goobtaasi, kuwaasi oo u badnaa Muruq-maalka Dekedda Weyn, iyadoo Qeybo ka mid ah Derbiga Xarunta Turabataaroriyada ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan

Dhanka kale Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo la hadlo Saxaafadda, iyadoo ay Weriyayaal iyo Sawir-qaadayaasha Warbaahinta Madaxa Bannaan ay gaareen goobta uu saakayto ka dhacay Qaraxaasi.