Qorshihii 100 Sanno ka hor. “Waa in aan baabinaa wax kasta oo keeni karo Midnimada dhalin yarada Muslimiinta ah dhaxdooda”

George Curson oo ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Ingriiska Sannadihii 1911-1921dii ayaa yiri: “Waa in aan baabinaa wax kasta oo keeni karo Midnimada dhalin yarada Muslimiinta ah dhaxdooda” .
Sidii horeba aan ugu guuleysanay in aan Baabino xukunkii Khulufadii Cosmaaniyiinta. waa nagu waajib in aan xaqiijino in mar dambe eyna dhalan Midnimda Muslimiintu, Ha noqoto Mid Aqooneed, Garaad ama Midnimo dhaqan ))). ( F.S: 1aad).
Maxaa xigay, Xukunkii Cusmaniyada ee Suufiyada waa la tirtiray, iyada oo loo isticmaalay Carabtii waqtigaa joogtay qaarkood, Turkigii la jabiyay waxaa laga saxiixay Heshiis lagu mamnuucayo muddo 100 sanno ah, in uuna khayraadkiisa qaar siduu rabo uga faa’iideeysan karin, Iyo Dadka aan islaamka aheeyn oo ku dhax nool in uu siiyo Xuquuq gaar ah. 100kii sanno hal sanno ayaa ka haray, Turkey waxaa loo arkaa khatar cusub oo dooneeysa in ey islaamka isku keento, waxaana lagu bilaabay Dacaayado iyo cadawnimo uga imaanee dhinaca Carabta.
sideed u aragtaa Qorshihii George oo hadda laga joogo 100 sanno ma hirgalay ?
waqtigaa 1911-1921, ma sheegi kartaa Qorsha kale oo Somaliya loo dagay 100 Sanno ka hor? ma hirgalay?.
Hadaadan shalay ogeeyn, oo aadan ku xisaabtamin, Ma ku guuleysan kartaa in aad Berri Ka badbaado Dabinka laguu qorsheeyay?.
Qore: Yahya Amir