Mahdi M. Guuleed ”Shacabku idinkee idiin soo doorteen dalka gaarsiiya doorasho qof iyo cod ah, ha yeelina in la idiin kala diro”

Mahdi M. Guuleed
Nin aan saaxiibo nahay oo taageerayaasha Nabad iyo Nolol kamid ah baa xaley igu yiri: ” Farmaajo iyo Khayre shaqo fiican bey qabteen madax ka fiican Soomaaliya ma soo marin tan iyo burburkii, waa taa Tiyaatarkii, Staduim Muqdisho dhiseen, soona celiyeen talooyinkii Siyidka iyo Axmed Gurey. Maxaa doorasha laga rabaa maa layska daayo ha iska joogaane. Haddii 4 sano kale loogu daro Hoteel Jubba iyo Hoteel Curuba wey dhisi lahaayeen, dalkuna wuxuu noqon lahaa dal barwaaqo ah oo loo soo dalxiis tago”.

Waxaan ku iri : ” Formaajo 4 sano baa la doortey 7 Feberaayo 2021 ayey xilligiisa madaxweynenimo ku egtahay sharci ahaan, sidee ku sii joogayaa xilligaas kadib, haddii uusan doorasho qaban ?”.

Wuxuu igu yiri asaga oo aad u xanaaqsan ” Sharci, sharci, dastuur ereyadaas waxaan ku nacey Cabdiraxman Cabdishakuur, Sheekh Shariif iyo siyaasiyiinta reer Puntlant ee dowlad diidka ah sida Faroole iyo Juxa. Dastuurku ma aayad Quraan baa ?. haddii madaxdu fiican tahay maxaa dastuur lagu falayaa ?.”.

Waxaan ku iri ” Formaajo, dastuur iyo sharci baa lagu doortey dalka xoog iyo afgambi kuma qabsan, soo maaha in doorasho wadanka ka hirgeliyo oo heshiis lagu yahay oo haddii dib loo soo doortana sii joogo haddii kale sida sharafta lahayd ee xilka loogu wareejiyo asagana u wareejiyo si dowladnimada Soomaalida u sii socoto”.

Wuxuu igu yiri ” Saaxiib mucaaradnimadda jooji, Formaajo meel uma socdo , doorasho looma baahna, shacabka ayaa raba madaxweyne Formaajo, wuuna sii joogayaa ilaa dalka laga gaarsiiyo doorasho shacab oo qof iyo cod ah, mudada ay doonto ha qaadatee !. Dowlad Goboleed looma baahna iyo Xisbiyada Mucaarad, kuwaas waa qaran dumis, shisheeye kalkaal ah. Gudoomiyahe Mursal ayaan haysanaa oo mudo u kordhinaayo dowladda iyo Baarlamaanka iyo Xaliimo Yarey. Illaah khayr ha siiyee, doorasho qof iyo cod ah dalka hirgelinayso haddii 60 malyan dollar hesho, weyba heli doontaaye”.

Waxaan gartey in saxiibkey lala doodi karin. Qof aan ku fahmi karin oo aad la dooddaa waxey la mid tahay weel duleelo oo aad biyo ku shubtaa.

Waxaase dhageyste Ra’iise Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi M Guulleed oo sida saaxiibkey asaga oo xamaasadeysan ula hadlayo Xildhibaannada Baarlamaanka asaga oo leh “shacabku idinkee idiin soo doorteen dalka gaarsiiya doorasho qof iyo cod ah, ha yeelina in la idiin kala diro”

Xaqiiqduse waxey tahay, Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaannadiisa shacab Soomaaliyeed ma soo dooran, ergo beeleed oday dhaqameed soo xuley baa soo doortey mudo xilleedkooduna 4 bil baa ka dhiman, si sharci darro ahna Xildhibaanno kuma sii ahaan karaan haddii heshiis Siyaasadeed dhicin.

Nin shacab ah oo xamaasadeysan dooddiisa waa la aqbali karaa. Laakiin madaxdii dalka ugu sarreysan in korsi jaceyl dartii xamaasad qaado oo arrin sharci darro ah dhiirogeliyaan lama aqbali karo, lama ogolaan karo waa halis hore loo soo arkey, burbur qaran iyo fowdo ayey dalka u horseedi kartaa.

Ilyas Mohamud Hussein