Madaxweynaha Galmudug oo Gaadiid dagaaliyo Hub fara badan lagu wareejiyay.+Sawirro

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa la wareegay hub iyo gaadiid ay lahaayeen dadka kunool Balanballe.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah qorshaha Galmudug ee ku aadan dhisidda ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo hub ka dhigista Maleeshiyaadka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in xerooyin gaar ah loo dhisi doono Ciidanka laga soo aruuriyay degaanada Galmudug ee horay Maleeshiyaadka u ahaa, islamarkaana ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka Al-Shabaab.

Madxweyne Qoor Qoor wuxuu sidoo kale sheegay in dhammaan degaanada Galmudug aan laga aqbali doonin inay ku sugnaadaan maleeshiyaad hubeysan loona badali doono Ciidanka Galmudug.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysaa xili uu Madaxweynaha Galmudug wali uu ku guda jiro Socdaalka Nabadda oo uu ku soo maray deegaano badan oo ka mid ah Galmudug.