Dowladda Ruushka oo go’aansatay in ay dib u furato safaaradeedii Libya.

Moscow:-Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa sheegay Dowladda in ay dib u fureyso safaaradeedii Tripoli, maadama ay si kumeel ah howlaheeda ugu fulin jirtay Dalka Tunisia, sida ay baahisay wakaaladda wararka Ruushka , ee Interfax.

Ruushka ayaa diblomaasiyiintiisa ka daad gureeyay dalka Libya, bishii October sannadkii 2013-kii, xilligaas ooo koox hubeysan ay weerartay.

Lavrov, ayaa la kulmay hoggaamiyaha mucaaradka Khalifa Xaftar oo hadda go’aansaday inuu la heshiiyo dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Libya ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxa ka socday qalalaase, xilligaas oo meesha laga saaray hoggaamiyihii la dilay Mucamar Al-Qadaafi.

Dhinaca kale, wasiirka gaashandhigga dalka Ruushka  Hulusi Akar iyo sarakiil sare sare ayaa booqday dalka Libya, iyagoo la kulmay madaxda dalka Libya.