Amnesty oo ugu baaqday dowladda Soomaaliya ilaalinta Madaxbanaanida Saxaafadda.

Hay’adda Amnesty international ayaa Warsaxafadeed ay soo saartay ku cambaareysay xadgudubyadda loo geysto Saxaafadda Madaxa banaan ee ku sugan Soomaaliya oo qaarkood ay sheegtay inay ku jiraan xabsiga Dhexe.

Warsaxaafadeedka ayaa looga dalbaday dowladda Soomaaliya ilaalinta iyo dhowrida xuquuqda Aadanaha iyo xoriyatul qowlka.

“Dowladda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay ilaalinta Sharciyadda caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo qaanuunka gudaha u yaala, ixtiraamka, ilaalinta, kor u qaadista iyo fulinta xuquuqda aadanaha, oo ay ku jirto xuquuqda xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Hay’adda Amnesty international.

Waxaa sidoo kale intaasi uu kusii daray Warsaxaafadeedka” Saxafiyiinta madaxa banaan sida Abuja waxay door muhiim ah ka ciyaaraan shacabka inay ku wargaliyaan siyaasada dowlada iyo soo bandhigida Xadgudubyada Xuquuqul Insaanka, Waxay u baahan yihiin in la ilaaliyo oo aan lagu bar-tilmaameedsan xarig iyo qaabab kale sidda cadaadis iyo cabsi gelin”

Dhanka kale Hay’adda waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan Wariyaha oo la xiray 7-dii Maarso 2020 , islamarkaana ay soo xirtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) .