Sheekh Shariif “Dalkaan Doorasho waxay uga dhici kartaa..”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlaayay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda doorashada Soomaaliya.


Sheekh Shariif wuxuu sheegay inaysan muuqan wax diyaar garow ah oo ku aadan doorashada Soomaaliya, islamarkaana Madaxda dalka joogta aysan u muuqan kuwo doonaya in doorasho xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacdo lagu qabto dalka.

Madaxweynihii Hore wuxuu sheegay in Saamileyda Siyaasadeed ee dalka laga doonaayo inay la yimaadaan qorshe ku aadan sidee loo helaa doorasho dalka lagu samatabixin karo?.
“Waa naga diyaar in aan tallo aan siino madaxda dowlada laakiin iyada ha ogalaato inay la fariisato saamileyda siyaasada si doorashada dalka ka dhaceysa loo jiheeyo” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariifka mar kale wuxuu yiri ”Si loo diyaariyo doorashada dowlada ha sameyso dib u heshiin guud ahaan hay’adaha dowladda ah sidaas ayayna doorasho ku dhici kartaa ”ayuu yiri madaxweynihii 7-aad ee dalka ahna hogaamiyaha madasha Xisbiyada Qaran, xilli uu ka hadlaayay munaasabad lagu xusaayay 1-da July oo ku beegan maalintii goboladda Koofurta iyo Waqooyiga ay midoobeen.