Sheekh Cismaan Barre “Madaxweyne Waare waa inuu ka qaybgalaa shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo..”

Sheekh Cismaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ugu baaqay inuu kasoo qayb galo Shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in Madaxweyne Waare ay habboon tahay inuu ka qaybgalo Shirka ku muddeysan 5-8-ka Bishaan July 2020, maadaama uu ku matalayo booska Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Sheekh Cismaan Barre Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle waxa uu si gaar ah Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ugu sheegay in uusan ku faraq-xiran Madaxda diidan shirkaas.

“Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxaan ugu baaqayaa runtii inuu ka qaybgalo shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha, isla markaana yimaada Magaalada Magaalada Muqdisho, waxaan leeyahay yaysan cod kaa duubin dadka aad la socoto, aniga ayay hadda ka hor iga duubeen” sidaasi waxaa yiri Sheekh Cismaan Barre.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle wuxuu dhaliilsan yahay DFS, wuxuu u arkaa inay kala safatay Guddoomiyihiisa Baarlamaanka oo aan wanaagsaneyn xiriirkooda, kadib markii ay isku qabteen Xil ka qaadis uu Waare ku sameeyay Mas’uuliyiin Gobol iyo Degmo.

Si cad ayuu u sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Galmudug ay diyaar u yihiin ka qaybgalka Shirka Golaha Amniga qaranka ee looga hadlayo Doorashada, Amniga, siyaasadda iyo Xaaladda dalka.

Dhanka kale waxaa diiday ka qaybgalka kulankaas Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku doodaya in Golaha wakiilada maamulkaas ay usoo jeediyeen in uusan ka qaybgelin, sabab la xiriirta kuraasta matalaadda Gobolka Banaadir la siiyay, xili isaga qudhiisa uusan xiriir wanaagsan la lahayn Dowladda Federaalka.