Maamulka Goboleedka Puntland oo shaaciyay kiisas Cusub oo Coronavirus ah.

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,balse laga baaray,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 51 qof balse Cudurka laga helay 5 Ruux,kuwaas oo da’dooda u dhaxeyso 28 sano jir ilaa 42 Sano jir.

Guddiga ayaa waxay sheegeen in dadka laga helay Cudurka COVID 19 ay kala joogaan 4 Garoowe iyo hal ruux oo joogo Gaalkacyo halka Saddex ruux ay ka bogsadeen Cudurka.

Dhanka kale Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay gaartay 323 qof Halka 8 qof ay u geeriyoodeen,waxaana ka Caafimaaday 156 Ruux.